logo Warwad


Noocyada kala duwan ee Fiitamiinada iyo ilaha laga heli karo

Noocyada kala duwan ee Fiitamiinada iyo ilaha laga heli karo   Fiitamiinada waxa uu jidhku ugu baahan yahay si ay uga qayb-qaataan korriimada, waxaana jira noocayo badan ay ka mid yihiin vitamin A, C, D, E, K, iyo vitamin B oo ka kooban qaybo badan oo ay ka mid yihiin B1 ilaa B12, inta badana waxaad ka heli kartaa cuntooyinka kala duwan ee aad cunto. Laakiin waxa jira Fiitamiino jidhkaagu samaysan karo oo ay ka mid yihiin Vitamin D iyo Vitamin K. Nooc kasta oo Vitamiin ah waxa uu qabtaa shaqo gaar ah oo hadii uu kugu yaraado ay kugu iman karaan cuduro tusaalo ahaan. Vitamiin B groups (B1 ilaa B12), waxay lagama maarmaan u yihiin · Koritaanka carruurta · Ilaalinta caafimaadka maqaarka iyo xuub axaleedyada · Sameynta unugyada dhiigga cas cas (RBC) ·Caafimaadka nudayaasha dareen-wadka Haddii uu yaraado Fiitamiinkani waxa uu keeni karaa koritaanka ilmaha oo liita, carrabka oo xannuun ku yimaaddo, qofka waxaa ku dhici kara dhiig yari, waxaa kaloo qofka ku dhici kara dhibaato xaga neerfayaasha, waxaana laga helaa Fiitamiinkan midhaha oo dhan, caanaha, hilibka, beerka iyo kalyaha. Vitamin C waxa uu fiican yahay · Raysashada dhaawacyada · Caafimaadka maqaarka · Caafimaadka xuub axaleedyada sida cirridka. Haddii uu yaraado raysashada dhaawacyada oo liita, afka iyo cirridka oo si fudud u jirrada waxaana laga helaa Fiitamiinkan midhaha Fareeshka ah oo aan la karkarin sida liimooyinka kala duwan iyo midhaha canabka. Vitamin A waxa uu lagama maarmaan u yahay caafimaadka indhaha haddii uu qofka ku yaraado waxaa ku dhici kara caafimaad xumo xagga indhaha ah waxaana laga helaa caanaha, subagga, beedka, caleenta cagaaran. Vitamin D sidoo kale waxa isna u fiican yahay habsami u shaqaynta ilkaha iyo lafaha haddii la waayana waxaa qofka ku dhaca cudurka loo yaqaano Rickets oo ah cudur lafaha lugaha qalqaloociya waxaana laga helaa caanaha, subagga, kalluunka, iyo beedka. Viatamin K, waxa u muhiim u yahay xinjiraynta dhiigga; hadii uu qofku waayana waxaa ku dhici kara dhiig bax, waxaana Fiitamiinkan laga helaa caleenta cagaaran iyo kaarootka. Vitamin E, waxa uu ka qayb qaataa xaga taranka hadii uu qofka ku yaraadana waxay dhibaato kaga timaadaa xaga taranka waxaana laga helaa khudaarta cagaaran, caanaha, iyo kalluunka. Haddaba waxaa muhiin ah inaad hesho cunto isku dheelitiran si jidhkaagu u helo caafimaad wanaagsan oo aad sidoo kale uga badbaaddo cudurrada ku yimaadda nafaqa xumida. Read more: Noocyada kala duwan ee Fiitamiinada

Fikradaada ka dhiibo n