logo Warwad


Sidaad Ku Kasban Lahayd Jaceylka Iyo Ixtiraamka Ninkaaga….

Wuxuu Yiri Nabigenu (SCW) (Hadaan qof amri lahaa inuu u sujuudo qof waxaan amri lahaa haweeneeydu inay u sujuudo Ninkeeda).

Dhinacyo badan iyo siyaabo kala duwan ayaa xiriirka ka dhexeeya lamaanaha loo ilaaliyaa , korna loogu qaadaa, si gaar ah Xaasku waa inay isu xilqaantaa siday u kasban lahayd booska ugu muhiimsan ee ninkeedu leeyahay,

Waa qalbigee ayna u dabooli lahayd dhamaan baahiyaha ninkeeda ee kala duwan, oo ay ka mid yihiin :

Baahida gogosha oo ah tan ugu muhiimsan, Hadalka macaan, Hiilada markasta iyo meel kasta, U ceeb asturida, La talin IWM.

Haweenaydu waa inay iska ilaalisaa inaysan ku dhicin xadiithkii Nabiga (SCW) Ibnu maajah Soosaaray Xaakimna Saxiixay, Oo macnaheedu ahaa (Haweenaydii barida habeen ayadoo ninkeedu u careysanyahay lacanad malaa’igta Allaa Ku dhacaysa Ilaa uu raali ka Noqdo ama ay ka waabariisato).

Adeegso Farsamooyinkan Si aad U hantidid Saygaaga:-

1.Ugu hiili Ninkaaga xaqa, garabna istaag hana isku dayin inaad ka hiiliso (waxaan dulmi iyo xumaan ahayn).

2.U eekee dabeecadaada tiisa wanaagsan, hana badalin tiisawanaagsan si aad ugu ekaatid taada.

3.U muuji ninkaaga qalbi jileec, kana ilaali adadayga.

4.U sheego ninkaaga waxa aad rabto, hase ku celcelin.

5.Dhibka ilamaha oo dhan haku siidayn asaga, laakiin dhibaha waaweyn la kaasho.

6.Ka fagoow dhibaatada iyo fakarka badan hana dareensiin ninkaaga.

7.Shaki aan jirin ha u qaadin ninkaaga, sida maseyr aan raad lahayn.

8.Ula hadal ninkaaga si hoose marka aad wax u shegayso.

9.La kaftan ninkaaga kaftankiisana ha dhibsan, hana ku kaftamina waxaan ilaahay raali ka ahayn.

10.Marka uu caerysanyahay ama uu daalan yahay haku badin hadalka.

11.U sheeg markasta ninkaaga inuu guulaysanayo hadaad wada dadaashaan iskuna kolsoonaataan.

12.U dhega nuglow waanada ninkaaga.

13. Ku dadaal nadaafada jirkaaga dhamaantiis.

14.Ka dhiga dharkaaga iyo gurigaaga mid carfoonaya markasta.

15.U badal qolka Jiifkaaga mar mar si uu horay ugu ogayn.

16.Maalinkasta warayso ninkaaga waydiina sida ay niyadiisu tahay.

17.Yusan kaa dareemin dhibsasho marka uu ninkaagu meel kuu dirsado.

18.U sheeg ninkaaga marka uu soo galo inaa aad ugu xiistay inta uu kaa maqnaa.

19.Hadii uu leeyahay Email ugu waraaqo marka uu kaa maqan yahay.

20.Ha u ogolaan qofna inuu soo galo arimihiina gaarka ah.

21.Si fiican u dhegayso ninkaaga marka uu kula hadlaayo.

22.Ha eedayn ninkaaga mar walba.

23.Wanaaji ehelkiisa oo dhan waxay rabaan ha ahaadeenee.

24.U kici salaada subax iyo salaatul laylka ninkaaga.

25.Ha ku adeecin ninkaaga ilaahay waxuusan ogolayn.

Fikradaada ka dhiibo n