logo Warwad


Waa maxay DNA


DNA waxaa la dhihi karaa qaab ahaan qalab dhismeedka noolaha waana shay aan iska dhaxlno abuur walba haddana midba midka kale oo ka duwanyahay.
Maqaalkan waxaan rabnaa inaan kor marno kaliya maadaama DNA-ga uu yahay macluumaad aad uween uu noolaha idil ka koobanyahay.

DNA luqad ahaan waa english laga soo gaaabiyay (english ahaan: Desoxyribo-Nucleic-Acid). waana moolakuulka aduunka ugu muhiimsan.

Qaab dhismeedkiisu guud noolahu dhan waa iskaga mid, sida xaywaanada, dadka, bakteeriyada ama geedaha. sidaas awgeed waxaaba la dhihi karaa waa waxa isku xera noolaha. (Dabcan noole dadka aan iskoolka ufiirsan casharadiisa noole waa wax walbo abuuran ah xataa bekteeriyada ).

DNA fahankiisu aduunyada waxaa si aad ah loo fahmay 1953 oo ku heleen abaal marin labada nin ee James Watson iyo Frances Crick ..

DNA-gu waa sida silsaladoo kale waxuuna ka kooban yahay 4 shay haddii afartaa sida ee isku aadanyihiin lakala badalo waxaa is badala qaabka faraca noolaha..
Tusaalo haddii daanyeer laga badalo 4taa oo si kale la isku aaddiyo waxaa is badalaaya daanyeerka qaabkuu ahaa. taasi waxaa la dhahaaa Genetic engineering.

Maanta aduunyada waxaa la soo sameeysy Kaluun mugdiga ku ifaayo sida nalka, xoolo wada murqa ah, Yaanyo/Tomaato aanan dhaqsi isbadaleenin, abuur beer dhaqsi dhalanaayo iyo kuwo aanan cayayaanka udhawaan karin iyo waxyaabo kale dhowr ah. xadkiisu aad ayuu ubalaaran yahay aanan maskaxda aadanaha maanta ku adagtahay inoo aqbalo.

Dhirta iyo xaywaanada aad ayaa loogu isticmaala iyo dawooyinkaba. inkastoow jiraan siyaabo kale loo isticmaalo, heer aadanaha lagu badalo..

waxaa jiro dad aad udhaliila in la isticmaalo Gen badalidda ee Genetic engineering una arka in halis ku noqon kara aduunka, ayadoo aduunyada maanta qaab cusub oo lagu magacaabo CRISPR oo suurta gal ka dhigaayo in qof walbo sheebaar heesto oo badali kara Gen-ka. badanaa halis wayn ayuu wataa, marka faaidada laga reebo oo qof aanan ku habooneen haddii uu isticmaalo ka imaan karto dhibaato badan.

Fikradaada ka dhiibo n