logo Warwad


Sababta Eyga urintiisu aad ugu sareeso tan dadka

Eyga qaab uruintiisu waa dareenkiisa ugu wayn. Maxuu dadka ka dheeryahay xaga urinta ?
Halkaan ayaad ka ogaan doontaata.

Eyga orgaan-ka uu aad ka u isticmaalo waa sanka inuu wax ku uriyo, xataa marka u waddada socdo waxa uu aad u isticmaalaa urintiisu, marka loo bar dhigo maqalka iyo aragiisa, waxuu wax walbo ka hor imaado ku gartaa kaliya urka, asoon indhaha isticmaalin. Ubugyada aadanaha waa 5 Malyoon, halka aygu uu 300 Malyoon ka leeyahay.

Urka Eyga xataa waxay gaartay heer dadku u isticmaalaan inoo ubaaro waxyaabo aan dadka baari karin, ilaa heer uu garo jirada qofka heeso sida Malaariyada uu ku ogaan karo inta aanan qofka calaamadaha dareemin iyo jirooyin kale badan sida sonkorta. Dhawaan waxaa jaamacad lagu wadaa in ayga loo towabaro inu Crona virus sheego qaasatan COVID-19. asigaa kaadida qofka ka urinaayo weliba sheegi karo dadka aan calaamadaha lahayn.

Eyga waxuu ka mid yahay xaywaanada urka isticmaala ee afka gariiga lagu dhaho Makrosmaten (Uriyaha wayn). Indhihiisu iyo dhagahiisa waxba micno uguma fadhiyaan.

Eyga waxuu aqrisan karaa inaad baqeeso ama dareen kale aad ku sugantahay xanaaq iyo waxii la midka ah, asoo urinaayo dhididkaaga aanan in dhahaaga arkeen, sidaasuuna go’aan ku gaaraa marka dadka uu ula dagaalaayo ama wax kale u adeegsanaayo.

Eyga waxuu sankiisa bidix iyo midigba wax kaga uriyaa si gooni ah asoo midba sida u rabo urago sidaasuu xataa qofka meesha uu marayo ku baaraa kuna raacaa saantiisa.




Fikradaada ka dhiibo n