logo Warwad


Ku hadalka af soomaaliga ma lagu dari kartaa luqado kale..

Dhawaanaha waxaa Soomaalida ku soo badanaayo dad luqada af soomaaliga ku dhax daraayo ereyo luqad kale.

Dadka badankood waxay aminsanyihiin in loo heesto qofka isticmaalo luqado kale inoo yahay qof cilmi badan ama aqoon badan, hase ahaatee maxaa keenay arinkaa mise tahay mid run ah. Waxaan rabnaa inaan halkaan idunku sharaxno.

Intaan galin waxaan soo qaadaneen dad soomaalida magac ku leh ee isticmaalay ereyo waxaa kamid ah madaxweenahii ku meel gaar hore ee Soomaaliya shiikh shariif. Oo ereyga stop ee Englishka isticmaalay asoo jawaab celinaayo kaligiis ma’ahan waxaa isticmaalo siyaasiin dhowr iyo dad kaloo tiro badan.

Ugu horeen waxaa qalad ah inaad erey aad soomaaligiisa taqaan amaba la yaqaan adoo ujeedo isticmaasho erey kale. laakiin waxaan rabnaa inaan ka hadalno sababta dadkeena ubadiyay arintaa ama ay noo soo gaartay.

Fikirka qofka isticmaalo kalmadaha luqadaha kale waa aqoonyahayn horta taa waa jirtaa sina waa sax sina waa qalad lkn dadka aqoonyahanka ereyada ee isticmaalaan waa ereyo latin, carabi, english ama luqado kale aanan booska ereyada loo heenin erey kale oo soomaali oo buuxin kara, maadaamo erey aqoon yihiin sida malaariya, Populist iyo ereyada diiniga oo carabi ahaan loo isticmaalo sida masaajid, salaad, soomaali waa loo helaa weliba kuwaan kuwase waxaa jirin aan. Loo heleen ama fahanka dadka ku afkaaneeso.

Laakiin marnaba ma isticmaalaan reyada sahlan inta ay hadlayaan sida stop (istaag) maadaama aanan jirin baahi ereygaa loo qabo, hase ahaatee waxa oo keenay maadaama wadankeenu leeyahay qurbo joog aad ubadan wadanka ay ku noolyihiin ee wax ka bartaa luqada soomaaliga ayaa nusqaata waloo ay jiraan qaar weli luqadda si fiican u heesta ayagoo luqadda wadankaana yaqaana. Sidaas darteed waxee noqontay in nala qurxanaanto inaan isticmaalo ereyo luqad kale.

Isku soo duub qofka iska dhiga aqoonyahay iyo qof kale waxaa laga dareema luqadiis.

Hadii uu soomaaligiis aanan soo galin luqad kale marka laga reebo ereyada af soomaali ku jirin. Qofkaa waa ilbax ama aqoonyahan wax fahansan.

Hadiii qofka luqado kale iskaga darsado af soomaaliga waa labo qofkaa waa qof wadanka kale asoo yar tagay ama ku dhashay aanan uhelin fursad kuhadalka luqadda af soomaaliga ama qof rabo in loo arko qof aqoonyahan oo kas cad u isticmaalaayo ereyadaa.

Fikradaada ka dhiibo n