logo Warwad


Sheeko qosol nin tuugsade ah

Nin tuugsade ah ayaa habeen habeenada ka mid ah wuxuu soo maray rag gurigooda ku cawaynaya, markaasuu ku yidhi “Liiiiibaaaan” waxay ku yiraahdeen “Allah ha ina siiyo” Markaasu yidhi “Xitaa jab roodhi ah oo qalayl ah maad isiisaan” Markaasay yidhaahdeen “Ma haysano” Markaasu yidhi ” Xooga hadh-hadhaa ahna maa isiisaan” markaasay yidhaahdeen “Ma awoodi karno” Isagoo quus ku dhaw ayuu ku yidhi “Hadaba koob biyo ah isiiya” Hase ahaate waxay ku yidhaahdeen “biyo nooma
yaalan” Kolkaasu ku yidhi “Waa maxay meesha aad
fadhidaan, ina mariya aan wada tuugsanee illeen idinkaa iga mudan in la tuugsadee”…. kkkkkk

Fikradaada ka dhiibo n