logo Warwad


Sheeko juxa iyo xarig

Juxaa iyo Xarig:
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Juxa hooyadii ku tiri:hooyo maanta waan Allah baryaya ee lacagtan qaadoo suuqii aad,waxaadna innooga soo iibisaa neef Ari ah?

Juxa intuu suuqii tegay ayuu soo gaday neefkii Ariga ahaa kaddibna wuxuu isku dayay in uu soo qaado,dhib iyo rafaad badan kaddib ayuu keenay isaga oo neefkii sida.

Hooyadii ayaa la yaabtay oo tiri:hooyo maxaa kuugu dhacay,ma waxaad garan weyday in aad suuqa xarig ka qaadatid kaddibna neefka surka kaga xirtid markaana aad soo kaxaysid?

Juxa ayaa yiri:hooyo,hadda ma garan laakiinse marka xiga ayaan samayn doona.

Maalmo kaddib ayaa mar kale hooyadii tiri:hooyo maanta lacagta way innagu yar tahaye bal waxaad inoo soo iibisaa hal xabbo oo digaag ah.

Juxa suuqii ayuu tegay wuxuuna soo gaday digaaggii,dabadeedna wuxuu iibsaday xarig kaddibna surka ayuu digaaggii uga xiray wuuna soo kaxaystay.

Gurigii markuu yimid ayaa hooyadiis aragtay digaaggii oo bakhtiyay markaas bay ku tiri: hooyo maxaad sidan u yeeshay?,Juxa wuxuu yiri:hooyo adiga ayaa i yiri sidaa yeel oo xarig ku soo kaxeey

Fikradaada ka dhiibo n